Fanaanka Cali Dhaanto oo Bandhig oo ugu magac daray Habeenkii Diridhabe ku qabtay Diridhabe Xalay

Fanaanka Cali Dhaanto oo Bandhig oo ugu magac daray Habeenkii Diridhabe ku qabtay Diridhabe Xalay


Fanaanka Cali Bashiir Cali dhaanto oo ah Fanaan caan ka ah Dalka Itoobiya garaar ahaan deegaanka Somaalida degto ee Dalka itoobiya kaa oo caan ku ah Heesaha dhaqanka ah ee Dhaantada loo yaqaano taa oo ku mutaystay in loogu magac daro Cali dhaanto .


Cali dhaanto oo sanadkii hore bartamahiisa ka tagay Dalka itoobiya asiga oo la sheegay arima la xariira khilaaf asiga iyo Maamulka deegaanka soomalida itoobiya soo kala dhaxgalay uga tagay ayaa mar kale dib dalka ugu soo laabtay kidib xal labada dhinac gaareen .


Fanaanka Cali dhaanto ayaa habeenkii xalay Bandhig wayn ku qabtay Hwolka wayn ee Ugaaska bartamaha Magaalada diridhabe waxana halkaa iskugu yimid Boqolaal taageerayaashiisa ah oo Bandhigaa soo xaadiray si Bandhigiisa uga qaybgalaan .


Cali dhaanto ayaa ku soo Bandhigay Bandhigaa Heeso kala duwan oo iskugu jiro heesahiisa uu caanka ku yahay iyo kuwa kale oo cusub oo dhawaan soo saaray waxa uuna Bandhigaa dadka ka soo qaybgalay laga dareemayay dareenka oo ahaa mid meel sare maryay


Waxana la filayaa in uu Fanaanka dib ugu laabto Magalada Jig jiga oo markii hore ka yimid asiga oo kulma la qatay Ismaamulka Diridhabe mudadii uu joogay lamana oga in socdaalka uu yahay mid uu ku doonayo in mar kale ku kasbado tageerayaashiisa .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada