Juventus Oo Dadaal Ku Bixineysa Soo Xero Gilinta Alexis Sanchez

Juventus Oo Dadaal Ku Bixineysa Soo Xero Gilinta Alexis Sanchez


Weeraryahanka kooxda Barcelona Alexis Sanchez ayaa si weyn loola xariirinayaa kooxda Juventus oo dadaal ugu jirta in qadka weerarkaas iska xoojiyaan xilli dhawaan ay kooxda ku soo biiriyeen Nicolas Anelka .

Tababaraha Juventus Antonio Conte ayaa dadaal ugu jira in ay helaan saxiixa xidigaas maadaama laacibkaasi dhawaanahaan dambe uusan asaasi ka aheyn kooxda una muuqda mid ka baxaya qorshayaasha tababare Vilanova.

Waxa uuna Antonio Conte u arkaa ha ciyaareedka Sanchez yahay nooca uu ka helo iyadoo laacibkaan dhawaan uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan , waxa uuna in badan dhaleeceyn kala kulmayay taageerayaasha Barcelona.

Xidigaan ayaa ku biiray Barcelona xilli ciyaareedkii 2011-ka isaga oo kaga yimid kooxda Udinese waxaana ku baxay aduun gaaraya 29-milyan oo euro, iyadoo haatan hadii ay noqoto in uu ka huleelo Barcelona ay ku baxeyso lacag ku dhaw 20 -milyan oo euro .


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada