Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah oo lagu dilay magaalada Garoowe

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah oo lagu dilay magaalada Garoowe


War goordhow soo gaaray Shabakada Wararka ee WMN ayaa sheegaya in alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culumada ug waaweyn dalka Soomaaliya lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waawayn dalka Soomaaliya,ayaa waxaa lagu dilay masjidka gudahiisa  sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey ugu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah waxaana fatwada lagu dilay culumada Ictisaam bixiyey Sheekh Xasaan Xusen ka dib markii uu ku xukmiyey in ay gaalo yihiin .

Dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka qaatay warbaahinta iyo website taageera Ururka Al-Shabaab iyaga oo mar walba sheegi jiray in uu la shaqeysto Maamul rida ah kana soo horjeedo diinta Islaamka.

WMN ayaa si faahfaahsan u soo gudbin doonta qaabka uu u dhacay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah.

Xiggasho: Halgan.net

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada