Sheeko ila qosol ah: Nimanku naaga jecelaa..

Sheeko ila qosol ah: Nimanku naaga jecelaa..

Hada ka hor ayaa diyaarad dad rakaab ah ay saaran yihiin waxa ay ku dul dhacday meel duur ah oo aysan ku nooleyn dad caadi ah.


waxaase meesha ku noolaa dad ku caan baxay in ay hilibka bini aadimka cunaan kuwaasoo loo yaqaan dad qalato.



Diyaaradii markii ay soo dhacday ayaa waxaa ka war helay Odey iyo naagtiisa iyo wiil ay dhaleen oo ka mid dadka hilibka bini aadimka cuna.

odaygii ayaaana wiilkiisa u dirsaday in uu diyaarada soo dhacday uga soo qabto hal qof oo ay caawa hilibkiisa ku casheeyaan.



Wiilkii ayaa baxay waxa uuna aaday diyaaradii, waxa uu la kulmay gabar yar oo caato ah taasoo dhibaato hilib la’aaneed ay ka muuqatay, gabadhii ayuu soo kaxeeyay odeygii ayuuna u keenay.



Odeygii ayaase yiri: Wiilkeygiyoow tan ayadaaba ilkaheeda dhaadheer laga naxayaaye orodoo mid ka wanaagsan oo wax la cuno leh noo keen.



Wiilkii ayaa baxay markale waxa uuna soo helay gabar buuran oo hilib lehii aabihiis ayuuna u keenay, odeygii aya yiri: War heedhe tani wey buuran tahay ilkaheyga uma roonee, orodoo mid ka fiican soo raadi, Wiilkii ayaa mar sedexaad baxay, waxa uuna soo arkay gabar ka mid ah shaqaalihii diyaarada wuu soo kaxeeyay, aabihiis ayuuna u keenay gabadhii.



Odeygii ayaa yaabay gabadha quruxdeeda, kor iyo hoos ayuuna ka fiirshay, Odeygii ayaa lasoo booday: Wiilkeygiyoow dabaal ha noqonine, tanoo kale hilibkeeda lama cunee orodoo hooyada ii keen aan qalaneee. tana aniga ii daa howsheeda..!


W/Q: Fatah Adan (Leejo)
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada