Qoys Soomaali oo qaxooti ku ah Dalka Ingiriiska oo la dajiyay Hoteel qaali ah oo Qaylo Dhaan ka Keenay(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Qoys Soomaali oo qaxooti ku ah Dalka Ingiriiska oo la dajiyay Hoteel qaali ah oo Qaylo Dhaan ka Keenay(Daawo Muuqaal+Warbiixn)


Qoys Soomaaliy oo qaxooti ku ah dalka Ingiriiska ayaa waxay la sheegay inay ka cabanayaan hab maamul xumada qolooyinka qaabilsan guryaha iyo ceyrta ee dalkaas Ingiriiska ka dib markii qooyskaas oo ku nool guri loo sheegay inaan laga bixin karin kirada ka dibna la dejiyey hoteel qaali ah oo ayna tahay mid ay ku noolaanshihiisu adag tahay. 


Qooyskaan oo ka kooban aabe iyo hooyo iyo 8 caruur ah oo ay dhaleen ayaa waxaa la sheegay inay horey u degenaayeen guri caadi ah laakiin dowlada oo sheegtay inaysan bixin karin kirada guriga reerkaas islamarkaana laga jarey oo la dhimay ceyrtii loo siin jirey inay kirada isaga bixiyaan ayaa waxaa la sheegay in loo soo raray oo la dejiyey hoteel qaali ah, Laakiinse arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in reerkaas hoteelka la dejiyey uu si aad iyo aad ah uu uga qaalisan yahay gurigii ay degenaayeen oo loo sheegay inaan laga bixin karin kiradiisa, qoyskaan oo todobaadkii laga bixin jiray lacag dhan 700 oo Pound oo kiro ah guri ay xor u yihiin oo ay siday doonaan ugu nool yihiin ayaa lacag taasi u dhiganta waxaa looga bixiyaa maalintii hoteel aysan waxba ku karsan karin oo ay ku dhibaateysan yihiin, Cali Shariif Cusmaan oo ah aabaha qoyskaas ayaa waxaa uu sheegay inay ku dhibaateysan yihiin hoteelka oo aysan waxba ku karsan karin islamarkaana ay tahay inay mar walba soo qaataan raashinka ay cunayaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo hab dhaqanka la yaabka leh ee ay u dhaqmayaan qolooyinka qaabilsan guriyenta dalka Ingiriisku uu jaah wareer ku riday qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa kale oo hab dhaqanka noocaas ah ku tilmaamay mid aan la aqbali karin haweeney ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee xisbiga shaqaalaha ee dalkaas Ingiriiska iyadoona ku sheegtay mid lagu tagri falaayo lacagta canshuur ahaata looga qaado dadka reer Ingiriiska iyadoona sheegtay in arimaha noocaas oo kale ah si deg deg ah wax looga qabto oo aysan dib dambe u dhicin. 




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada