Kerry oo ka hadlay xalka Suuriya

Kerry oo ka hadlay xalka Suuriya

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in xal kasta oo loo raadinayo dhibaatada dalka Suuriya ay ku jirto inuu meesha isaga tago Madaxweyne Bashar al Assad.

Mr Kerry ayaa weriyayaasha u sheegay in uu doonayo inuu helo qaab uu kaga dhaadhicin karo Madaxweynaha inuu wax ka beddelo xisaabtiisa oo uu xilka ka dego.

Wax faahfaahin ah ma bixin. Mr Kerry ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay tallaabo xooggan oo deg deg ah in laga bixiyo tijaabada saddexaad ee hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu ka digay taag-darro kasta oo beesha caalamku ay muujiso inay khatar ku keeneyso Iran, oo iyaduna uu ku jiro dama hub nukliyeer ah oo ay sameysato.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada