Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirada shan dal oo qaarada Yurub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirada shan dal oo qaarada Yurub


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay safiiro cusub oo ay soo magacaabeen 5dal oo ka tirsan Midowga Yurub
Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Hagi Adam Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Kamal Dahir Xassan (Gutaale).
Safiiradda cusub ayaa waxay kala yihiin Ambassador Margit Hellwig-Bötte oo ka socota dalka Jarmalka, H.E. Etienne De Poncins,Fransiiska, Ambassador Javier Herrera García-Canturri Spain,Ambassador.Bart Ouvry Beljinka, Ambdbassador Sofie From-Emmesberger oo ka socoatay Finland.
Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo dhaweyno xiriika diblomaasiyeed ee nagala dhaxeeyo shan dal oo cusub.Soomaaliyana si tartiib ah ayey waxey dib ugu soo dhex muuqatay beesha caalamka. Waxaana sabab u ah taageradda ay la garabtaagan yihiin dalal ay ka mid yihiin Fransiiska, Jarmalka,Spain,Beljinka, iyo Findland oo qeyb ka qaadanayo horumarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxeey diyaar u tahay marwalbo in ay idin soo dhaweeyso.Waxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliyo iyo dalalkiina.’“
Ilaa iyo markii uu Madaxweyna Xassan la wareegay Madaxtooyadda ayaa waxaa soo kordhayo dalalka dib u soo celinayo xiriirkii kala dhaxeeyo Soomaaliya .Kadib, markii u Madaxweynaha booqday xarunta Midowga Yurub ee Brussels dhamaadkii bisha Janaayo si u gudbiyo fikirkiisa siyasadeed ee ku saleysan Lixda Tiir Siyaasadeed oo hormuud ay ka yihiin, waxka qabadka amniga,cadaaladda,maareynta dhaqaalaha,horumarka iyo ,dib-u heshiisiinta .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada