Muno: Xaaji tahriibow talo keen sxbkeey waa mashquul badan yahay imana sheekeeyo !!!!

Muno: Xaaji tahriibow talo keen sxbkeey waa mashquul badan yahay imana sheekeeyo !!!!

Ila Tali:-Waxaa Warqad Talo celin ah ay Naga soo Gaartay Gabar Magaceeda kusoo Gaabisay Muna, Sida ay Soo Sheegtay Waxa ay Ku Nooshahay Wadanka Keenya, waxa Ay tiri Marka Hore Waan Idin Salamay Shaqalaha Shabakadda Hiiraanka.com, Qaasatan Waxaan Salaamaya Tala Celiye Maxamed Xuseen (Xaaji Tahriib).

Salaan Kadib Muna Qoraalkeeda oo Gaabna Waxa ay Ku Bilowday Sida Tan:- Waxaa Jacayl Naga Dhexeya Wiil aan Wada Joogna Magaalada Neyroobi, Saaxibkeey Waa uu Mashquul Badan Yahay, Waxa uu ku Jiraa Howlo Ganacsi , inta Badan Aniga Waqti aan La sheekeysto iima Helo.

Markaan Aan weydiiyana waxa uu iigu Jawaaba Mashquulka ayaa iska Badan, Waad Ogtahay Howsha Ganacsi ee aan Ku Jira Marka Is Daji Muno, arini waa sidaa ee Maxaan Ka Yeela Xaaji Tahriibow.
Talo Celin:-
Muna Waanu Kaa Gudoonay Salaantaas Midaas Mid Lamid ahna Anagana Naga Hano Walaal, Salaan Kadib Taladadaa Waa ay Fududahay, Kaliya Waxaa kugu Haboon in aad Saaxibkaa aad Dulqaad u Muujisa, Sababtoo ah waxa uu u shaqeynaya Waa adiga, Haddii uusan Maseyr Kale iyo Tuhun Naageedba uusan Kugu Jirin samir
Dabcan isna Waxaa Looga Baahan Yahay Tixgelin iyo Qadarin Iyo in Waqti uu Kula Qaato uu kusiiya, si Guurkiina Ka Hor aad Wax Isula Meel Dhigtaan Meelaha Doldoleeda Ka Imaan Karaana aad Iska Xirtaan si Beri Kamaalin Hadaad AQal Gashaan aysan Is Faham Daro idiin Qaban.

Taladaas Gaaban Waxa La siiyay Gabar Magaceeda Ku sheegtay Muna oo Warqad Nooga Soo qortay Dalka keenya.

Xigasho:hiiraanka
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada