Ogaaw hadii aad Astaamahaan isku aragto waxaa ku haya Jaceyl xad dhaaf ah (Qodabo)

Ogaaw hadii aad Astaamahaan isku aragto waxaa ku haya Jaceyl xad dhaaf ah (Qodabo)


Jacaylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jeceli lagu gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xili dambe oo jacaylku daaro ka dhisto qalbigiisa.

Hase yeeshee qofna ma jecla in sahal loo ogaado sirtiisa jacayl oo wuxuu daneeyaa in ay isaga oo kaliya ku koobnaato.


Haddaba astaamaha lagu garto qofka wax jeceli aad ayay u fara badn yihiin, laakiin waxaan qormadeenan ku xuseynaa inta aan is leeyahay way ugu muhimsan yihiin.

Ugu horeyn waxaa lagu gartaa in uu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, waxaana wajigiisa durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xilli kasta sii jeclaystaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan qofka uu jecel yahay, wuxuuna mar walba ku dadaalaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa ama ka sheekeynteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal heynta Lamaantiisa.


Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka
damqadaa, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga tagaa.


Waxa kale oo astaamaha lagu garto qofka wax jecel waxa ka mid ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu jecel yahay, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee caloosha.


Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad
rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa in aad sheeko caadi ah oo jacaylku kaasoo tufayo aad kula haasawdo oo aadan qorshe muhim ah kala munaaqishoon.


Shaqsiga wax jecel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siyaa qofka uu jecel yahay mana ogolaanayo in saxar qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecel yahay mida heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana umaba jeedo.


Qofka wax jeceli wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecel yahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, una naxariis falaa mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jacaylkiisa.


W/Q Ahmed Naciim

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada