Salman Khan iyo Actarka Sunny Deol oo tartan Filimaanta ah ka dhaxeeyo

Salman Khan iyo Actarka Sunny Deol oo tartan Filimaanta ah ka dhaxeeyo


Labadaa Actar ayaa waxaa ay tartan xoogan ugu jiraan sidii mid kasta u kasban lahaa Tageerayaal badan waxana ka dhaxeeya tartan dhanka filimaanta ah sida uu soo dabacay Wargayska ka faalooda arimaha Bulshada kana soo baxa Haydarabat.

Actarka Salman khan ayaa wada qorshayaal kala duwan uu ku doonayo in uu ku soo saaro Filimaan kala duwan oo iskugu jira Filimaan jacayl ah iyo kuwa Action ah hayeeshee xili uu dhawaan waraysi bixiyay waxa uu sheegay in uu jiro laba filim uu dhawaan soo sari doono .

Sunny Deol ayaa asna dhawaan shaaciyay in uu wado oo dhamaystirmay mashruucii lugu fulin lahaa Filimka cusub uu dhawaan soo saari doono waxana uu sheegay in filimkaa ay la soo jili doonaan Actaro aan wali ka soo muuqan Blloywoodka .

Marka la fiiriyo Labada Actar oo ka mid ah Actarada loogu xiisa badan yahay Filimaantooda waxaa ka sawiran kartaa in uu jiro tartamo mid kasta ugu jiro in uu taageerayaal badan iyo dhaqaalo badan ku kasbado inkastoo Actarka Salaman Khaan uu yahay actar dhaqaalo ahaan ka badan Actarkaa kale.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada