DAAWO VIDEO:- Dagaal Gacan Ka Hadal Ah oo Dhax Maray Soomaali Iyo Ameerkaan Madoow Ah

DAAWO VIDEO:- Dagaal Gacan Ka Hadal Ah oo Dhax Maray Soomaali Iyo Ameerkaan Madoow Ah


Soomaalidii dhawaantaan ku dagaalantey iskool ku yaala magaalada Minneapolis, Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay eedeyn kulul u soo jeediyeen ilaalada booliiska ee iskoolkaas ayagoona sheegay inuu qeyb ka yahay dhibka ka jira iskoolkaas islamarkaana uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhawaantaan ka dhacay iskoolkaas oo ay isku farasaareen Soomaalida iyo madowga kale ee iskoolkaas.
Soomaalidaan oo ka qeybgashay kulan ka dhacay dhawaantaan iskoolkaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxda iyo waailidiinta ardeyda Soomaalida ee iskoolkaas dhigata ayaa waxay Soomaalidaas ku codsadeen in wax laga qabto dhibaatada ku heysato iskoolkaas ayagoona sheegay inay dhib weyn ku qabaan iskoolkaas islamarkaana aysan jirin cid wax ka maqleyso oo ay u sheegan karaan dhibkooda, Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Soomaalidaas ay sidoo kale ku eedeeyeen inuu askariga booliiska ah ee loo keenay iskoolkaas inuu qeyb ka qaato ilaalinta amaanka iskoolku uu qeyb ka yahay dagaalkaas asagoona sida ay sheegtay Aniso Axmed oo ka mid ah ardeyda dhigata iskoolkaasi uu ninkaas dagaalkii ka dhacay iskoolkaas uu ilaa 3 qof oo Soomaaliyeed uu garaacay asagoo taageeraayo dhinaca kale ee ay Soomaalida iska soo horjeedeen.
Ugu dambeyntiina iyadoo maamulka iskoolkaas uu ku sheegay dagaalkaas mid waayo aragnimo u ah oo uuna wax ka qaban doono ayaa sidoo kale afhayeen u hadashay booliiska magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Janee Harteau waxay sheegtay inay baari doonaan eedeymahaas iyo dhamaan waxa ka dhacay iskoolkaas islamarkaana ay qiimeynayaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaladaas, ardeyda Soomaalida ee dhigata iskoolkaas oo cabasho weyn ka muujiyey iskoolkaas iyo in lagu haayo midab kala sooc ayaa 1700 ardey ee dhigata iskoolkaas waxay ka yihiin 140 ardey oo kaliya taas oo cadeynaysa inay ku yihiin iskoolkaas tiro aad iyo aad u yar marka loo eego ardeyda kale ee dhigata iskoolkaas.



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada