DAAWO:-Abaal Marinta Sanadlaha Ah Ee Hollywood oo La Gudoonsiiyay Labo Wiil oo Soomaali Ah Film Cajiib Ahna Dhigay

DAAWO:-Abaal Marinta Sanadlaha Ah Ee Hollywood oo La Gudoonsiiyay Labo Wiil oo Soomaali Ah Film Cajiib Ahna Dhigay

Labada Jilaa filinka Asad ee ah walaalaha da’da yar ee Soomaaliyeed ee lagu kala magacaabo Harun iyo Ali Mohamed ayaa filinkooda ASAD kaga qeybgalay abaalmarinta Oscars Academy award ee ah tan ugu weyn dunida , waxaana ay caruurtani ahaayeen qaxooti Soomaliyeed oo dalka South Africa ku nool laakiin jilay taariikhda saxda ah ee noloshoodii , oo ah mid ku saabsan xili ay kaluumeysan jireen balse laguq asbay inay noqdaan burcad badeed.

Caruurtaan oo filinka u jilay qaab lala dhacay oo runtii cajiib ahaa ayaa waxaa filinkani soo saaray labada director ee lagu kala magacaabo Bryan Buckley & Producer Mino Jarjoura, ayagoo waliba caruurta ula ambabaxay dalkaasi Mareykanka si ay goobjoog uga ahaadaan xarunta Hollywoodka ee ay abaal marinta ka dhaceysay.

Filinkan oo ah mid sheeko gaaban ah ayaa waxuu qabsaday caalamka waxaana uuku guuleystay abaalmarinno inkastoo uu ku gacan seyray Oscarka. Waxaana labadan wiil ee Cali iyo Haaruun u suurto gashay in ay ka qeybgalaan Munaasabad xiddiga dunida ugu caansan lagu siinayay abaalmarin waana Roogga cas ee Los Angeles iyadoo si aad ah loogu soo labisay , waxeyna noqdeen xiddigo oo waxaa adkaatayba sida loola kulmo iyadoo lagu keenay gawaarida kala jiidan ee raaxada.

Hadaba filinkani Asad ayaa ah mid ka turjumayo qisada caruur badan oo Soomaaliyeed oo la caskareeyay, kuwaasoo badaha ku yaacay waxaana filimkani uu caalamka gaarsiinayaa xaqiiqda ka jirta dalka.




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada