War Deg Deg Ah Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al-Shabaab ka talinayeen (Daawo Sawirada)

War Deg Deg Ah Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al-Shabaab ka talinayeen (Daawo Sawirada)


Wararka aan ka heleyno Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo milatari oo aad u xoogan xiligan laga dareemayo Degmadaasi.

Goob joogayaal kusugan Degmada Buur Hakaba ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab inta badan ee ka baxeen Degmadaasi wallow ay jiraan Dagaalyahano yar oo wali ku harsan Degmadaasi meelo kamid ahna lagu arkayo.

Ciidaada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya oo ka baxay Deegaanka Leego oo kuyaala Xadka kala qeybiya Shabeelaha Hoose iyo Baay ayaa kaabiga ku haya Degmada Buur hakaba waxaana lasoo tabinayaa in hada u jiraan Degmadaasi qiyaastii 5-km .

Ciidamada Huwanta ah oo Dhaq dhaqaaqooda maalintii shalay aheed bilaabay ayaa la wareegay Deegaano u dhaxeeyay Leego iyo Buur Hakaba iyagoona Maanta usii dhaqaaqay sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Buur Hakaba.

Saraakiil katirsa Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo Hogaaminaya Howlgalka ku wajahan Degmada Buur Hakaba ayaa sheegay in Saacadaha soo aadan gaari doonaan Degmada Buur Hakaba oo mudo sanado ah gacanta Al-Shabaab ku jirtay.

Ciidamada dhaqaaqa sameyay waxa ay lawareegeen gooba hor leh si ay u gaaraan hadafkooda oo ah in dhamaan gobalka Sh.hoose ay ka gacan baneeyaan Shabaabka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa maanta kala wareegay kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose, kadib weerar kedis ah oo ay ku qaadeeen saldhigyada Shabaab.

Ciidanka huwanta ayaa si nabadgelyo ah gacanta ugu dhigay halka looyaqaanno Qardho iyo Jiira-kuuloow iyo qaar kale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, sida ay xaqiijiyen goob joogayaasha.

Gaashaanle Sare Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo katirsan ciidamadadii ka qeyb qaatay hujuunkii Shabaab deegaanada cusub loogala wareegay ayaa xaqiijiyey qabsashada deegaannadaas, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadu sugayaan ammaanka si looga fogaado dhibaata dhacda.

Gobalka Sh.hoose ayaa xilligan waxa uu ku dhawyahay in gabi ahaana laga tirtiro jiritaanka Shabaab maadaama isbuucyadii tegay deegaanno badan lagala wareegay, kuwa kalana xilligaan lagu hanjabayo in dhaqsa lagu tagi doono.



Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco bogeena WMN










_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada