War deg deg: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Baar Liido

War deg deg: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Baar Liido


Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Bar Liido, halkaasoo ah goob laga cunteeyo, dad badana ay isugu tagaan xilliyada galbihii iyo maalmaha jimcaha ah loo dalxiis tago.


Uuro iyo qiic ayaa cirka isku shareertay, iyadoo wali aanay kala cadeyn qasaaraha ka dhashay, hase ahaatee qaraxa ayaa lagu soo beegay xilliga Qadada.


Mid ka mid ah shaqaalaha Baarka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan, isla markaana gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la soo geliyay barxada baabuurta lagu baarkimo ee Baar Liido, kadibna uu ku qarxay.


Baabuur badan ayaa la sheegay inay ku bur bureen, sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan waxyeelo kala duwan, gawaari badan oo Ambalaaska ayaa ku qul qulaya.


Baar Liido ayaa ah meelaha ugu camiran ee dadka ku badan yihiin, iyadoo ay tagaan dadka ka yimid qurbaha iyo dadka reer Muqdisho, iyadoo galbihii ku qaxweeya, habeenkiina ku fiidsada.


Xeebta Liido oo ay ku dhinac taalo baarka qaraxa lala eegtay ayaa waxaa maalmaha jimcaha u dabaal taga boqolaal dadweyne oo ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir.

La soco wixii ku soo kordha
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada