AMISOM oo sheegtay in aan loo dhutin doonin Ciidamada Itoobiya hadii ay ka baxaan Bay iyo Bakool

AMISOM oo sheegtay in aan loo dhutin doonin Ciidamada Itoobiya hadii ay ka baxaan Bay iyo Bakool

Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay inay xaqiijin doonaan ammaanka deegaanada la filayo in ay Ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan, isagoo cadeeyay in aanay dhici doonin marnaansho xaga ammaanka.
Wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka ee AFP ayuu sheegay Jen. Gutti inay la wareegi doonaan goobaha ay ka bixi doonaan Itoobiya oo la hadal haayo in dhowaan faarujin doonaan Bay iyo Bakool.
Jen. Gutti ayaa sheegay inay AMISOM awood u leeyihiin in howl galada ka sii wadaan Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya, hadii Ciidamada Itoobiya sii joogaan ama ay ka tagaan sida uu yiri.
Taliyaha ayaa sheegay in aanay marna ogolaan doonin in dhibaatadii Al-Shabaab ka wadeen deegaanadaas in mar kale dib ugu soo laabto, waxaana uu ku qanciyay shacabka deegaanadaas inay xaqiijin doonaan ammaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan magaalada Buurhakaba oo u jirta Baydhabo ilaa 60-KM, waana halka la hadal haayo in Itoobiyaanka faarujin doonaan sida saraakiishooda ay u cadeeyeen Xildhibaanadii gaaray Baydhabo.
Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ka baxeen Xudur, isla markaana dib ugu laabteen Al-Shabaab degmadaas muddo sanad kadib.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada