(Daawo Sawirada):-Gaariga Madaxweyne Obama oo Laami dhax fadhiistay kadib markii Shidaal Qaldan lagu shubay

(Daawo Sawirada):-Gaariga Madaxweyne Obama oo Laami dhax fadhiistay kadib markii Shidaal Qaldan lagu shubay

Gaadhiga U Gaarka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, oo ah gaadhi si gaar ah isaga loogu farsameeyay, isla markaana leh difaac adag, ayaa ku xumaaday shidaal si khaldan loogaga shubay dalka Israel, taas oo sababtay in raacistii gaadhiga gaarka ah ee madaxweynuhu dhici waydo. 

Gaadhiga Madaxweyne Obama oo lagu magacaabo, (Monster) ama Waxshi, waa gaadhi difaaciisa iyo qiimihiisaba lagu tilmaamo kuwa dunida ugu sareeya, hasa yeeshee gaadhigan ayaa la sheegay in shidaal khaldan lagaga shubay dalka Israel, taas oo sababtay in gaadhigu xumaado oo dhaqaaqi waayo, ka dibna farsamo yaqaanada aqalka cad ku dawakheen. 

Gaadhigan Obama oo muddooyinkii u danbeeyay safaradiisa dibada loo qaado, ayaa noociisu yahay, (Cadillac Motors), kaas oo difaaciisu u dhan yahay, sida la sheegayna ka difaacaya madaxweynaha xitaa haddii weerar hubka nukliyeerka ah lagu soo qaado. 

Waxa kale oo uu leeyahay difaac adag oo ka samaysan aaladaha ugu adag dunida, kuwaas oo xitaa miinooyinka dhulka lagu aasaa aanay waxyeelayn karayn sida la sheegay. 

Gaadhigan oo dherarkiisu yahay ilaa sideed iyo toban feet, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay sidii kaare taayiro leh oo habka raaxada loo sameeyay oo kale, waana mid difaac ahaan kaligii ku filan inuu sugo ammaanka madaxweynaha Maraykanka, haddii halis ama weerar haleelo.

Gaadhigan oo laga sameeyay macdanaha Birta, Aluminum, titanium iyo Ceramic, waxa uu leeyahay dhuumo laga rido suntan dadka kaga ilmaysiisa, waxa kale oo uu leeyahay dhuumo laga rido rasaasta cinjirka ah iyo mid nool haddii loo baahdo. 

Gaadhigan ayay u dhan yihiin waxyaabaha caafimaad ahaan uu madaxweynuhu u baahan karo, iyo qalabka wax lagu baadho, (Medical Laboratory), waxa kale oo saaran baagag dhiiga madaxweynaha oo haddii dhaawac gaadho loogu tala galay in deg deg loogu shubi karo haddii dhiig bax ku yimaado dhiig cusub. 

Inkasta oo gaadhigan si wayn loo ilaaliyay tayadiisa iyo hanaankiisa difaac, haddana mar kasta sida ka dhacda, aadamaha laguma guulaysan in la sii hubiyo shidaalka lagu shubay inuu fiican yahay iyo in kale, waana ta sababtay in uu sidaa ku cadilmo. 

Obama ayaa dantu ku kaliftay in uu Madaarka magaalada Qudus ka soo raaco ama lagaga soo qaado, diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ciidamada Maraykanku leeyihiin, ka dib markii uu ku xumaaday shidaalkaas khaldan ee lagu shubay. 
Socdaalkiisa Israel ee Obama ayaa waxa hadheeyay dibad baxyada ay dadka reer Falastiin ee socdaalkiisa ka cadhaysani samaynayaan, taas oo sababtay in Madaarka (Ben-Gurion), ee magaalada Qudus lagaga soo qaado diyaarad Helicopter ah, oo lagu geeyay qarsiga looga arimiyo dalka Israel, Falastiiniyiinta ayaa la sheegay in ay xidheen jidadka ka yimaada Madaarkaas.






 
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada