Garsoore Hore Oo Heer Calami Oo Sheegtay In Isku Aadkii Champions League La Sii Qorsheeyay.

Garsoore Hore Oo Heer Calami Oo Sheegtay In Isku Aadkii Champions League La Sii Qorsheeyay.

Garsoore hore oo heer caalami ah Ahmet Cakar ayaa sheegtay in isku aadkii ugu danbeeyay ee Champions League iyo Europa League ee sannadkan in isdabamarin la sameeyay oo la sii qorsheeyay kooxaha isku soo aadaya.

Sida uu yiri Cakar, oo haatan u shaqeeya TV Turkey ah oo baahiya Isboortis, isku aadka ayaa loo adeegsaday kubadaha yar yar waxyaabo gariir yar dhalinaya si qofka isku aadka sameynaya uu u ogaado kubada ay tahay inuu soo xusho.
Cakar ayaana ku eedeeyay in UEFA ay ugu talogashay in isku aadka wareega 8da Champions League iyo Europa League aysan isku beegmin kooxo waa weyn ama kooxo isku wadan ah si loo helo ciyaaro culus semi-finalka tartamadaan.
UEFA ayaan weli ka jawaabin sheegadaan ugu danbeysay ee la xiriirta in la sii qorsheeyay isku aadka Champions League ama Europa League, balse ma ahan wax cusub oo hore ayaa dhowr jeer ay u soo baxeen eedeymo ceynkaan oo kale.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada