FIFA Oo Soo Bandhigtay Warqadii Codeynta Macalinka Sannadka Adduunka Ee Goran Pandev. (Warqada)

FIFA Oo Soo Bandhigtay Warqadii Codeynta Macalinka Sannadka Adduunka Ee Goran Pandev. (Warqada)

Xiriirka kubada cagta adduunka FIFA ayaa soo bandhigtay warqadii uu ku codeeyay kabtanka xulka Macedonia Goran Pandev iyo macalinka xulkaas, ka dib markii ciyaaryahanka uu shalay sheegtay inuu u codeeyay Mourinho balse codkiisa loo qoray Del Bosque.

Warqada codeynta oo aalada Fax loogu diray FIFA 9kii Novermber 2012 ayaa waxaa ku cad in kabtanka xulka Macedonia uu u codeeyay kaalinta koowaad ee abaalmarinta macalinka sannadka adduunka tababarihii abaalmarintaas ku guuleystay Del Bosque, halka uu kaalinta labaad ugu codeeyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini, booska 3aadna waxa uu ugu codeeyay macalinka Borussia Dortmund Jurgen Klopp.

Warqada waxaa ku saxiixnaa macalinka qaranka Macedonia oo isna codeynta ka qeyb qaatay Cedomir Janevski, iyo kabtanka xulka Goran Pandev, sidoo kale waxaa ku yiilay warqada saxiixa xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Macedonia iyo sataambada saxda ah ee xiriirka wadankaas.

Pandev ayaa shalay ku taageeray tababare Mourinho hadalkiisii ahaa in isdabamarin ay ka dhacday abaalmarintii macalinka sannadka adduunka isagoo yiri: “Waxaan u codeeyay Mourinho, kaliya Mourinho. Sababo qariib ah darteedna codkeyga waxaa helay Del Bosque.”



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada