Daawo Sawirada Eey dhashay isaga oo luga hora aan laheyn hadana si cajiib ah loo socod baray

Daawo Sawirada Eey dhashay isaga oo luga hora aan laheyn hadana si cajiib ah loo socod baray

Dian Dian oo ah eyga lugaha hore isaga oo kamqan dhashay hadana sida cajiibka badan u soconaya ayaa waxa uu u socan karaa masaafa dheer sida ay xustay haweeneyda iska leh.


Eeygaan ayaa waxaa lagu tababaray qaabkii labada lugood oo kali ah uu ugu socan lahaa sida xayawaanka labada lugood leh.

Haweeneyda leh eygaan oo u dhalatay shiinaha laguna magacaabo Cen Lan ayaa u tababartay qabkii eygaani uu lugaha danbe ugu istaagi lahaa hadana ugu socan lahaa.

Cen Lan oo ah milkiilaha Eyga kuna nool Nanning oo ah caasimada gobalka Guangxi ayaa eygaani xanaaney jirtay muda lix sano ah.

Milkiilaha ayaa sheegtay in ay dhib ka mudatay tababarka eyga inkasta oo markii dane ay ku guuleysatay.

Sida ay xaqiijisay Cen Lan, Eyga lagu magacabo Dian Dian ayaa markii hore waxa bilabay in uu istaago kadibna uu tilaabada si dirqi ah u qado hasa yeeshee uu hada wax dhib ah ku qabin xitaa in uu ordo.





_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada