Arsenal oo Taalo u dhiseysa Halyeygoodii hore Dennis Bergkamp

Arsenal oo Taalo u dhiseysa Halyeygoodii hore Dennis Bergkamp



Naadiga Arsenal ayaa ku dhawaaqay inay Taalo u dhisayaan Halyeygoodii hore ee reer Holland Dennis Bergkamp, kaasoo la soo qaatay xilli ciyaareed aad u wanaagsanaa.
Dennis Bergakamp ayaa u dhaliyay Arsenal 120-gool 11-xilli ciyaareed oo uu u ciyaarayay, isagoo la qaaday Koobab.
Mid ka mid ah goolasho baalka dahab galay ayaa waxaa uu ka dhaliyay kooxda Newcastle, kaasoo ahaa mid si cajiib ah, inta kubada uu ka wareegsaday daafaca uu shabaqa kaga hubsaday.

Dennis Bergkamp ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in taalada lagu maamuuso, waxaana uu xusay inay taas muujineyso wanaaga loo haayo, maadaama uu xilli ciyaareed cajiib ah la soo qaatay kooxdiisa.
Taalada loo sameynayo Dennis Bergakamp ayaa wali dhismo ku socotaa, waxaana la filayaa in la soo bandhigo xilli ciyaareedka soo socda.
Arsenal ayaa horay Taalo u sameystay ciyaaryahanadeedi hore sida Theiry Henry, Tony Adams iyo Herbert Chapman.



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada