Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo ku hanjabay inay qabsanayaan degmada Diinsoor

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo ku hanjabay inay qabsanayaan degmada Diinsoor


Saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay qabsanayaan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, labo maalin kadib markii gacanta Al-Shabaab ka baxday degmada Buurhakaba.
Col. Xasan Baydhabo oo ka mid ah saraakiisha Milateriga ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in la wareegida Buurhakaba ay u fududeyneyso inay qabsadaan Diinsoor.
Waxaa uu sheegay in meesha kaliya ee Al-Shabaab ku harsan yihiin ay tahay Diinsoor, waxaana uu tibaaxay inay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Bay, iyadoo haatan qorsheynaya inay isku xiraan wadada Baydhabo iyo Muqdisho.
Degmada Buurhakaba ayaa qiyaastii 60-KM u jirta Baydhabo, waxaana ciidamada AMISOM doonayeen inay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ay ku gudbiyaan sahay iyo saanad milateri, maadaama Garoonka diyaaradaha Baydhabo aanay saldhigan karin diyaarado waa weyn.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada