Axmed Madoobe oo sheegay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubaland

Axmed Madoobe oo sheegay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubaland


Gudoomiyaha Maamulka KMG ee Kismaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Jubland, kadib markii shalay uu ka furmay magaalada Kismaayo shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii xilkaas loo doorto uu wax badan ka qabanayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo, isagoo soo dhoweeyay hadii looga guuleysto inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo qofkii loo doorto xilka Madaxtinimada Jubaland.
“Aniga waxaa diyaar u ahay hadii xilkaas qabashadiisa cid kale ku guuleysato inaan la shaqeeyo, hadii aan guuleystana inaan wax badan u qabto dadka ku nool goboladan”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in shirka ay ka soo qeyb galeen dhamaan qabaa’ilka dega deegaanada Jubooyinka, hase ahaatee waxaa uu xusay inay jiraan qaar ka mid ah oo shirka imaanaya maalmaha soo socda.
Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya iyaga iyo dowladda, waxaana uu tilmaamay inay dowladda Soomaaliya ku marti qaadeen shirka inay ka soo qeyb galaan.
Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka oo shalay ka furmay magaalada Kismaayo ayaa looga arinsan doona sidii Maamul goboleed la magac baxay Jubaland loogu sameyn lahaa Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo gedo, inkastoo la mucaaradsan yahay qaabka shirka u socdo.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada