Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo diyaarad Milateri lagu geeyay magaalada Kismaayo (Sawirro)

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo diyaarad Milateri lagu geeyay magaalada Kismaayo (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kadib dhowr todobaad oo ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi, halkaasoo lagu dhex dhexaadinayay iyaga iyo Saraakiisha ciidamada dowladda.
Wada hadalada ka socda Nairobi oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Kenya ayaa ujeedkiisa ahaa sidii dhinacyada isku khilaafsan shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ay meel dhow isugu imaan lahaayeen, isla markaana caqbadaha shirka ku hor gudban meesha looga saari lahaa.
Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo, kuwaasoo aad uga biyada diidanaa, waxaana ka mid ahaa Taliyaha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo Col, Cabaad Ibraahim Gurey, Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gedo Warfaaf Sheekh AAdan iyo Saraakiil kale.
Xubnaha wafdiga ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay xubnaha Maamulka KMG, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maalmo kadib dib ugu soo laabto Kismaayo, isagoo cadeeyay inuu guul ugu soo dhamaaday waxyaabihii ay u tageen magaalada Nairobi, inkastoo aanu wax faah faahin ka bixin.
“Waxyaabihii aan u aadnay Nairobi si guul bey noogu soo dhamaadeen, waxaan hada rajeynayaa in shirka maamul u sameynta Jubooyinka in laga guul gaaro”ayuu yiri Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa sheegay in dhowaan magaalada Kismaayo ay imaan doonaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dadaalada la doonayo in maamul loogu dhiso Jubooyinka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu booqan doono magaalada Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ka socdo diyaar garow iyo howlo dayactir ah oo ka socda garoonka.
Si kastaba ha ahaatee shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa caqabad soo wajahday, markii dowaldda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay, isla markaana qaabka uu socdo ku tilmaamtay mid aanay raali ka aheyn, hogaankii dowladdana aanay ka muuqan.




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada