Bahal si Live ah u soo dhex galay garoon Ciyaar ka socotay ka dibna Qaniinyo qabadsiiyay Ciyaartooydi(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Bahal si Live ah u soo dhex galay garoon Ciyaar ka socotay ka dibna Qaniinyo qabadsiiyay Ciyaartooydi(Daawo Muuqaal+Warbixin)


Hadal heeynta ugu badan Telefishinada Sportiga ee Caalamka ayaa noqotay mucjiso ka dhacday Horyaalka dalka Switzerland ka dib markii uu Bahal yar oo Daban-gaale ah uu soo dhex galay garoonka xili ay Ciyaar Live ah dhex mareeysay kooxaha waa weeyn ee Horyaalka Switzerland waa FC Thun Vs FC Zürich (0-4). 



Bahalkaan oo garoonka 3 jeer ku soo dhex laabatay markii la qaban waayay waliba uu banaday Ciyaarta oo eheed mid kulul ayaa Bahalkii Daban-gaalaha ahaa waxaa ku booday oo Sabaaxad ku qabtay Difaaca bidix ee kooxda Fc Zurich iyo Qaranka 21-jirada Switzerland Loris Benito. 

Bahalkii yaraa oo inta badan Ciyaartooyda kale ay ka baqeen ayaa Qaniinyo qabadsiiyay Ciyaaryahan Loris Benito oo ay iska dhaleen Waalidiin Swiss iyo Spanish ah wuxuuna mar 3-aad ku dhex fakaday bahalkii garoonka kaas oo ay xitaa qaban waayeen Shaqaalaha iyo Maamulka Garoonka. 

Bahalkaan Daban-gaalaha ah oo inta badan dalalka Yurub looga yaqaan (Marder) waxaa ugu dambeeyntii ku guuleeystay in uu qabto Goolhayaha kooxda Fc Zurich David Da Costa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Portugal balse ku dhashay wadanka Switzerland . 

Arinta ugu yaabka badan ayaa eheed Bahalkaan oo qaniinyo qabadsiinayay cid alaale iyo cidii u dhawaato wuxuuna si xun u Qaniinay Ciyaaryahan Loris Benito oo mudo garoonka laga dhex saaray kaas oo laga soo daaweeyay dhiig ka yimid farihiisa ka dib markii uu Bahalkaan qaniinay . 


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada