Wiil yar oo Camoole Afrikaan ah oo Xiddigaha Fc Barcelona ka yaabsaday (Daawo Cajiibkaan+Warbixin) !!

Wiil yar oo Camoole Afrikaan ah oo Xiddigaha Fc Barcelona ka yaabsaday (Daawo Cajiibkaan+Warbixin) !!


Talefishinka qaaska ah ee kooxda Fc Barcelona (Barca TV ) ayaa waxaa laga sii daayay muuqaal Caajib ah kaas oo ku saabsanaa Wiil yar oo Camoole ah laguna magacaabo Mamadou Lamine oo u dhashay dalka Senegal waliba Muslim ah ayaa isaga oo Indho la´ama Camoole ah waxa uu kala gartay Jismi ahaan Xiddigaha ugu caansan kooxda Fc Barcelona. 


Wiilkaan oo dhawaan Indhaha laga qalay waxaa Qarashkii Indhaha looga qalay bixiyay Xiddigaha kooxda Fc Barcelona wuxuuna si toos ah u aqooday ama u gartay mar la weeydiiyay ama la garab istaajiyay Laacibiinta kala ah Carles Puyol, Eric Bilal Abidal iyo Lionel Messi. 

Wilkaan yar ee Camoolaha ah ayaa imitixaanka ku dhacay kaliyah mar la weeydiiyay Goolhayaha kooxda Fc Barcelona Jose Manuel Pinto. Laacibiinta kooxda Fc Barcelona iyo Maamulka kooxdaas oo Wiilkaan yar magac iyo Sumcad dheer ku helay waxeey dhamaan ka wada shumiyeen Madaxa iyaga oo u rajeeyay in uu Cafimaad wanaagsan helo. 

Kooxda Fc Barcelona ayaa sidoo kale sanadkii 2010-ka waxa ay ku guuleesteen in ay magaalada Barcelona keenaan Ciyaartooy Lugaha ka go´an oo ku halaagsamay dagaaladii Ahliga ahaa ee ka dhacay dalka Sierra Leone oo ku yaala Qaarada Africa waxaana ciyaartooydaan loo furay Mashruucyo kala duwan oo ay Mustaqbalka ku shaqeeysan karaan . 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada