Wargays Kasoo Baxa Hargaysa oo Soo Bandhigay kabo Dacas ah oo Magaca Allah Lagu soo Qoray(Daawo Sawirada)

Wargays Kasoo Baxa Hargaysa oo Soo Bandhigay kabo Dacas ah oo Magaca Allah Lagu soo Qoray(Daawo Sawirada)



Bacadlayaasha Suuqa Magaalada Hargeysa ayaa Dadweynaha ka Iibsanayay kabo Dacas ah oo si jees jees ah loogu soo qoray Magaca ilaahay ama Allaah, taasoo gef ku ah Umadd Muslim ah in loo Iibkeeno Ama loo Ganacsi keeno.

Kabahan Dacaska ah oo Far waaweyn lagu soo qoray magaca Allah ayaa si aanay Ishu u qaban waxa hareeraha lagaga Xardhay Farshaxan Indhaha soo jiidanaya, balse si toos ah loogu badheedhay in magaca Raxmaanka Kawka leh loogu soo qoray cagta hoosteeda.

Dacaskan oo Wargeyska Waaheen Sawiro ka soo qaaday waxa ilaahay waafajiyay inay arakaan qaar ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland, kuwaas oo saaka Waaheen u soo bandhigay.

Shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas waxa ay Hay’adaha Amniga iyo kuwa u xil saran Shu’uunta Diinta Islaamkaba ugu baaqeen inay talaabo Deg deg ah ka qaadan dadka u soo Iibkeenay dacaskaas Dadka Islaamnimadoodu 100% tahay ee Reer Somaliland.

Sidoo kale waxa ay Ganacsatada iyo Maamulka Soomaaliland ugu baaqeen in Dacaskaasi Suuqa laga Ururiyo oo la gubo inta aanay magaaladda iyo Dalka toona ku faafin, waa ganacsato aad u fikrad wanaagsan.

Talaabada Magaca Alle loogu soo qoray Dacaska la xidho ee lala galayo meel kasta oo xun shabakada warcad waxa aay ku leedahay taasi waxa ay tusaale u tahay Dagaalka lagula jiro Diinta Islaamka iyo Dadkeeda isla markaana loogu soo gabanayo kolba meel aanay dhaadayn Ama arkayn.




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada