Gabdho ku sumoobay qalab wax baraasho oo iskuul ay dhiganayeen oo ay si khalad ah u isticmaaleen.

Gabdho ku sumoobay qalab wax baraasho oo iskuul ay dhiganayeen oo ay si khalad ah u isticmaaleen.


Maxamuud ismaaciil Ciyoon, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa waxa uu cadeeyay in arday gaareys lix oo dhamaan gabdha ah ay ku sumoobeen Dugsi sare oo kuyaal Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, kadib markii ay si qaldan qalabka laabka ay u fareeyeen.


Gudoomiye Ciyoon ayaa sheegay in ardaydu ay ay galeen qolka laabka iyaga oo markii hore doonayay in ay soo nadiifiyaan kadibna ay hoosta kaxirteen qolkii oo ay ku diyaarsanaayeen kiimikooyin Faro badan.

Iyaga oo aan qaadan qalabka laxirto xilliga Kiimikooyinka laga shaqeynayo ayeey faraha lagaleen qalbkii arintaas oo keentay in uu wax gaarsiiyo sida uu shaaciyay gudoomiyaha gobalka Sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa sheegay in ardayda Sumoobay ay gaarayaan lix gabdhood halka Mid xaaladeeda Caafimaad ay aad u liidato inta kalana hada xoogaa kasoo reenayaan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada