Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi
Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo ka kooban xubnaha labada
gole ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaaroowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey
mas’uuliyiinta maamulka Puntland, uuna ugu horeeyo madaxweynaha Mudane
C/raxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad Shire,
waxaana munaasabad qado ah loogu sameeyey xarunta madaxtooyada Puntland.
Ra’iisal Wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu
aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee shacabka Reer Puntland
gaar ahaana kuwa Garoowe ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna
ammaan gaar ah u jeediyay dadweynaha oo uu sheegay inay indhiiisa
qabanayeen rag iyo dumarba iyaga oo wadada safan isla markaana si
farxadi ku dheehantahay u soo dhoweynayay, taasoo buu yiri ka tarjumeysa
sida shacabka reer Garoowe ugu heelan yihiin dowladdooda Federaalka ee
Soomaaliya.
“Waxaan idiin cadeynayaa in dowladu ay diyaar idiinla tahay taageero
kasta oo ay shacabku u baahan yihiin inay la garab istaagto dadweynaha
reer Puntland” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dareenka dadka
ay muujiyeen uu tilmaan u yahay taageeradooda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in inta ay joogaan
magaaladan Garoowe ay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda maamulka
Puntland ayna kala hadli doonaan sidii iskaashi iyo wadashaqeyn adag ay u
yeelan lahaayeen labada dhinac, wuxuuna tibaaxay in gaarista maamulada,
iyo gobolada ay muhiimad weyn siinayaan maadaama ay dowladdu
dhaqangelineyso nidaamka Federaalka.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Mudane Faroole ayaa ka
mahadceliyay booqashada wafdiga, wuxuuna xusay in maamulkiisu uu qeyb ka
yahay dowladda federaalka Soomaaliyeed isla markaana dhismaha iyo ka
gudbida marxaladdii kumeelgaarka uu udub dhexaad u ahaa maamulkiisu,
maadaama shirarkii ugu muhiimsanaa lagu qabtay magaalada Garoowe.
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:32 and have















