Daawo Sawirada Shir ee Shabaab soo abaabuleen oo looga hadlayay ayaaha Jubooyinka oo lasoo gaba gabeeyay

Daawo Sawirada Shir ee Shabaab soo abaabuleen oo looga hadlayay ayaaha Jubooyinka oo lasoo gaba gabeeyay


Maamulka Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka ayaa shir mudo socday waxa ee u qabatay qaar kamid ah Odayasha ku dhaqan Deegaanada ee kataliyaan ee hoos taga Gobolada Jubooyinka kaa oo maalmo badan kasocday Deegaanka Hargeesa yarey ee Duleedka Degmada Jilib.


Shirkan AL-Shabaab soo abaabuuleen ayaa looga hadlayay aayaha Gobolada Jubooyinka waxaa sidoo kale Odayaashii kulanka loo qabtay la barayay darsiyo diini ah laguna dhiiro galinayay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dagaalada Al-Shabaab kawadaan gudaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gubolada Jubooyinka ee Al-Shabaab Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in Odayaashan laga soo xulay Gobolada Jubooyinka ayna kawada tashanyeen xaaladaha goboladaasi kajira sidoo kale la barayay darsiyo diini ah.

Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa Odayaasha ku dhiiriyay ka qeyb galka Dagaalada ee wadaan isagoona tusaalooyin badan usoo qaatay waayihii hore iyo sida Odayaasha u dagaalami jireen , waxa uuna xusay in Dowladii KMG Aheed iyo mida hada jirta waxbo isdoorin labadana ee gaalo u adeegaan eyna la dagaalamayaan.

Qaar kamid ah Odayaashii iyana ka hadlay gabagabadii kulanka ayaa sheegay in Al-Shabaab gacan kasiin doonaan dagaalada ee kawadaan Gobolada Jubooyinka ayna diyaar u yihiin in wax walbo ku bixiyaan.

Shirkan Shabaab soo abaabuleen ayaa imaanaya xili Magaalada Kismaayo ay kusuganyihiin odayaal laga kala keenay Gobolada Jubooyinka kuwaa oo loogu tala galay in maamul Goboleed halkaasi ku dhisaan inkastoo shirkaasi uu fashil ku yimid.










_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada