Eeyo raabiyo qaba oo caruur iyo dad waa weyn ku weeraray degmada Xamar Jajab

Eeyo raabiyo qaba oo caruur iyo dad waa weyn ku weeraray degmada Xamar Jajab


Eeyo qaba cudurka raabiyada ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay ku weeraray degmada Xamar jajab caruur iyo dad weyn, iyadoo ay halis ku jirto xaalada caafimaaddadka uu qaniinay eeyahan.
Ilaa 7-ruux oo ay ku jirto haweeney xaamilo ah ayay eeyahan si xun u dhaawacmeen, waxaana dadka qaar la sheegay in aanay wali helin wax daawo ah.

Haweeney lagu magacaabo Faadumo oo uur leh ayaa sheegtay in xalay gurigeeda oo ku yaala Xamar jajab ay eeyahan ugu soo galeen, dabadeedna ay isku dayday in caruurteeda ka bad baadsato, waxaana ugu dambeyn eeyuhu ka qaniineen lugta bidix.
Sidoo kale wiil dhalinyaro ah ayay isla eeyahan ku weerareen meel u dhow gurigiisa, waxaana ay ka qaniineen garabka.
Eeyahan raabiyeysan ayaa isla xalay waxay weerareen oday ka mid ah dadka deegaanka, oo ay si xun u dhaawaceen, waxaana eeyahan ay ahaayeen kuwo raxan u socday.

Qaar ka mid ah dadka eeyaha uu dhaawacay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jira caruur, iyadoo habeen ka hor uu degmada Waabari sidan oo kale eeyuhu ay dad fara ku tiris ah ku dhaawaceen.
Eeyahan raabiyada qaba ayaa wali ku sugan xaafadaha Xamar Jajab, waxaana dadka deegaanka ay noqdeen kuwo aan guryahooda ka soo bixin oo ka dhigay mid bandow ah xilliyada habeenkii.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada