Diyaarada Yemen Airways oo duulimaad ka bilaabi doonta magaalada Muqdisho

Diyaarada Yemen Airways oo duulimaad ka bilaabi doonta magaalada Muqdisho


Diyaarada Yemen Airways ayaa markii u horeysay duulimaad ka bilaabi doonta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii Mas’uuliyiin ka socotadiyaarada ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Shirkada diyaaradaha Yemen Airways ayaa shalay la kulmay Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi, iyagoo ka wada hadlay sidii diyaarada duulimaad joogta ah ugu bilaabi laheyd magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in diyaarada Yemen Airways ay ka howl bilowday Soomaaliya, isagoo xusay in dowladda ay wado dadaalo sidii diyaaradaha caalamiga uga howl geli lahaayeen Soomaaliya.
Muxsin Cali Xaydar oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Diyaarada Yemen Airways ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku arkeen howl wanaagsan oo ka socota, isagoo xusay in dhowaan diyaaradooda ay bilaabi doonto duulimaadkeeda u horeeyay oo Muqdisho ah.
Diyaarada Yemen Airways ayaa hadii ay duulimaad ka bilowdo magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo biireysa diyaaradaha caalamiga ee Soomaaliya duulimaadka ka bilaabay muddo 20-sano ah, iyadoo diyaarada kaliya ee caalami ay xilligan tahay Diyaarada Turkish Airways oo sanad ka hor bilowday duulimaad Muqdisho iyo Istanbul oo toos ah.
Dhowaan ayay Shirkada Qadar Airways oo ka mid ah diyaaradaha ugu caalamisan caalamka ay ku dhawaaqday inay duulimaad ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, iyadoo tallaabada duulimaadyada caalamiga loo arko mid wax ka bedeleysa mustaqbalka Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada