Dhacdo naxdin leh Markii Nin Soomaali ah oo si arxan daro ah midi ula dhacay Haweeney uu qabi jirey(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dhacdo naxdin leh Markii Nin Soomaali ah oo si arxan daro ah midi ula dhacay Haweeney uu qabi jirey(Daawo Muuqaal+Warbixin)


Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Burco ee maamulka Soomaaliland ka dib markii uu nin ku nool magaaladaas uu si arxan daro ah uu midi ula dhacay haweeney uu qabi jirey oo ay kala tageen. 



Ninkaan geystey falkaas naxariis darada ah oo lagu magacaabo Siciid Diiriye Cabdi ayaa waxaa la sheegay inuu ugu soo dhacay guriga ay ku nooleyd haweeneydaan ka dibna uu si xun oo arxan daro uu ula dhacay mindi ama toorey, taas oo keentay inuu haweeneydaan uu halkaas ka soo gaaro dhaawac halis ah, haweeneydaan oo lagu magcaabo Safiya Maxamuud Maxamed ayaa waxaa horey u qabi jirey ninkaan hada tooreyda la dhacay ayagoona isku lahaa ilaa iyo 3 caruur ah, haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inuu ninkaan uu dhawaantaan ka codsaday inay isku noqdaan oo uu ku soo laabto laakiin ay arintaas ay iyadu diiday ka dibna uu ninkaasi uu sidaas naxariis darada ah uu ula dhacay mindidaas asagoona ujeedkiisu uu ahaa inuu dilo haweeneydaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas oo goobta ka baxsaday ay booliiska gobolka Togdheer ee magaalada Burco ay baadi goob ugu jiraan ayaa hweeneydaan oo uu falkaas naxariisdarada ah ka soo gaarey dhaawac halis ah islamarkaana ku sugan isbitaalka oo lagu dabiibaayo dhaawacayadeeda ayaa waxay sheegtay inuu ninkaas si xun oo naxariis daro ah uu ula dhacay mindidaas islamarkaana ay nolosheeda ay u baqday, dadka ku nool deegaanka uu shilkaas ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu ku soo badanaayo waayadaan fal dambiyeedka noocaas ah oo ay ragiina noqdeen kuwo mar walba beegsada haweenka una geysto dil ama dhaawacyp halis ku ah noloshooda. 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada