Afhayeenkii Osama Bin Laden Sulaiman Abu Ghaith oo lagu qabtay Jordan maxkamadna lagu soo taagayo New York

Afhayeenkii Osama Bin Laden Sulaiman Abu Ghaith oo lagu qabtay Jordan maxkamadna lagu soo taagayo New York


Afhayeenkii Osama bin Laden Sulaiman Abu Gaith ayaa lagu qabtay dalka Jordan waxaana lagu wadaa in maanta lagu soo taago maxkamad magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Sulaiman ayay sirdoonka dalka Maraykanka waxa ay si qarsoodi ah ku keeneen gudaha wadanka Maraykanka labadii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo ay su’aalo weydiinayeen.
Maxkamada la keenayo Abu Ghaith ayaa la sheegay in ay noqon doonto maxkamada degmada New York ee Manhattan oo dhowr dhisme ay ka xigaan goobtii ay ka dhisnaayeen daaraha mataanaha ah kuwaasoo 11kii September lagu weeraray dayuurado.
 Sarkaal ka tirsan xisbiga Republicanka Peter King ayaa ku dhowaaqay khamiistii in Sulaiman la soo qabtay waxana uu ku tilmaamay in ay u tahay guul qiime leh dagaalka lagula jiro ururka Alqaacida.
King ayaa intaa ku daray in ciidamada CIA iyo FBIda ay soo qabteen Sulaiman Abu Ghaith oo ahaa afhayeenkii Osama isla markaana ay u dhaxday gabadh uu dhaly Osama toddobaadkii la soo dhaafay.
Ghaith ayaa loo haystaa in uu ka qeybqaatay weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha oo ay dadka badan ku dhinteen.
Abu Ghaith ayaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay dalka Kuwait sanadkii 1965tii balse uu ka tagay June 2011 isagoo gaaray wadanka Pakistan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Suleiman lagu qabtay dalka Turkiga balse ay dowlada Turkiga ay sii daayeen maadaama uusan wax dambi ah ka gelin wadankooda. Abu Ghaith ayaa la sheegay in uu doonayay in uu dib ugu laabto dalkiisa Kuwait balse ma wadan wax Baasabor ah oo uu ku safro.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada