Golaha ammaanka oo cunoqabatayn kale ku soo rogtay Waqoyiga Kuuriya

Golaha ammaanka oo cunoqabatayn kale ku soo rogtay Waqoyiga Kuuriya


Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay cunoqabatayn lagu soo rogayo Waqoyiga Kuuriya iyadoo loogaga jawaabayo tijaabo ay dowlada Pyongyang bishii hore tijaabisay Niyukliyer.
Cunoqabatayntan ayaa waxaa ay si toos ah u taabanaysaa diblumaasiyiinta lacagaha kaashka ah ee ay qaataan iyo alaabta raaxada.
Waxaana cunoqabatayntan sidoo kale lagu fariisiyay saddex ruux iyo labo shirkadood oo lala xiriirinayay milatariga waqooyiga Kuuriya.
Guud ahaan xubnaha golaha ammaanka ee uu ka kooban yahay 15ka dal ayaa waxa ay u codeeyeen cunoqabatayntan qaraar lambarkiisu yahay 2094 iyadoo ay tahay cunoqabatayntan tii afaraad ee lagu soo rogo dalka waqooyiga Kuuriya.
Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya qaramada midoobay Susan Rice ayaa waxa ay uga digtay in waqoyiga Kuuriya in cunoqabatayn culus lagu soo rogi doono.
Wakiilka dalka Koofur Kuuriya ee qaramada midoobay Kim Sook ayaa ku tilmaamay tijaabada hubka niyukliyerka ah ee waqoyiga kuuriya inay tahay mid halis ku ah ammaanka.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dalka Waqoyiga Kuuriya ee ku aadan cunoqabatayntan lagu so rogay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada