Soomaalida ayaa hore waxa ay ugu maahmaaday “hurdo habar korin wayday”,
waxa kale oo hore uga jirtay caalamka in meelo badan ay dumarku
aaminsanaayeen in hurdada ay ka helaan jir qurux badan. Hadaba hurdada
aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa gabadh
qurux badan.
Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan ee asxaabtaada ah waxa ay ku
qurxiyaan jirkooada, waxa hubaal ah in jawaabta intooda badani noqon
doonto “hurdada”.
Arinta ah in ay kuugu jawaabayaan huradau waa waxa aan ka helo qurux ayaa ah mid ay ku saxsan yihiin.
Khuburo u dhalatay wadanka Sweden ayaa waxa ay baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigeen in hurdada wanaagsan ay qurxiso qofka.
Khuburada oo ka socda maxadka la yiraa Caroline Institute ayaa markii ay baadhitaanka samaynhayeen waxa ay sawiro ka qaaden koox dad ah oo marna habeen si fiican u seexday marna soo jeeday. Kooxaha tijaabada samaynayay ayaa waxa ay markasta marsanaayeen waxyaalaha u caadada ah in ay habluhu isku qurxiyaan, samaynayeena raacayeena hababka kala duwan ee ay isku quxiyaan.
Kadiba ayaa waxa laga codsday dadkii ka qayb qaatay tijaabada in ay
sawirada saf galiyaan sida ay u kala qurux badan yihiin. Waxa ayna
xulitaankii ku soo saareen in ay ku qurux badnaayeen sawiradii laga
qaaday markii ay si fiican u seexdeen. Sawiradii ay soo jeedeen 31
saacadood ayaa waxa ay u eekaayeen kuwo daalan, soo jiidasho lahayn oo
jiran.
Markaa waxa la odhan karaa waxaba roon in ay gabadhu hal saac oo
dheeraad ah ku darsato hurada subaxdii. Taasina u sahli doonta in ay si
fudud oo waqti yar ka qaadanaya isu sii qurxiso subaxdii marka ay
banaanka u baxayso.
_____________________________Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at