War Deg Deg ah: Daaqo Uhuru Kenyatta oo Cod Aad u Sareeya ku Hogaaminayo Codadkii la Tiriyay iyo Qaraxyo waa wayn oo ka Dhacay..

War Deg Deg ah: Daaqo Uhuru Kenyatta oo Cod Aad u Sareeya ku Hogaaminayo Codadkii la Tiriyay iyo Qaraxyo waa wayn oo ka Dhacay..


Uhuru Kenyatta oo hogaamiya isbahaysiga Jubileeoo Ahna Wiil uu dhalay Madaxweynihii Ugu horeeyay Dalka kenya Jomo Kenyatta oo Magacisa Lagu magacaabo Uhuru Kenyatta ayaa ku horreeya codadka ilaa iyo haatan la tiriyay.

Sidoom kale Waxaana si toos ah loogala socdaa taleefishinada Dalka Kenya tirinta codadka oo haatan si toos ah u soconaysa, kadib markii lasoo gabagabeeyay codaynta oo saakay 6-dii ka bilaabatay Dalka intiisa badan.

Dhanka kale Magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya ayaa la sheegaya in Daqiiqado yar un kahor uu qarax aad u xoogan uu ka dhacay goob lagu tirinayay Codadka Doorashada Madaxweyne ee Magaalada Gaarisa.

Qarax oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa ka dhacay afaafka Hore ee Maktabada Qaranka Magaalada Gaarisa halkaasi oo lagu tirinayay Codadka dadkii maanta dhiibtay Codadka Doorashada Madaxweyne ee Dalka Kenya.


Wariye katirsan Idaacada BBC-da oo kusugan Gaarisa ayaa soo sheegaya in xiligan Magaalada Gaarisa Qeybo kamid ah gaar ahaan goobta uu qaraxu ka dhacay laga Maqlayo rasaas xoogan aan la ogeyn cida rideysa.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada