Mesut Ozil: Cid Walba Oo Ku Badin Karta Barcelona, Waa Ay Ku Badin Kartaa Manchester.

Mesut Ozil: Cid Walba Oo Ku Badin Karta Barcelona, Waa Ay Ku Badin Kartaa Manchester.


Kubadsameeyaha kooxda Real Madrid Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay fursad u heysato inay guul ku gaarto magaalada Manchester mar hadiiba ay awood u yeesheen inay gurigooda ku garaacaan Barcelona.
Labada kooxood ee Man United iyo Real Madrid ayaa qoorta isku geli doona habeen danbe lugta labaad ee wareega 16ka Champions League, iyadoo lugtii hore ay ku soo kala baxeen barbaro 1-1 ah.
Mesut Ozil oo wareysi siinayay Die Welt ayaana sheegaya in labadii guul ee ay Barcelona ka gaareen inay siineyso kooxdiisa kalsooni buuxda:
“Cid walba oo Barcelona ku soo badin karta, waa ay ku badin kartaa Manchester” ayuu yiri.
“Waxa ay noqon doontaa kulanka adag oo koox fiican aan ka horimaaneyno, laakiin waxaan hore u soo bandhignay awoodeena lugtii hore. Qeybtii hore ee ciyaarta anaga ayaa ka gacan sareynay oo abuurnay fursado badan. Ixtiraam badan ayaan u heynaa Manchester, laakiin ujeedadeena waa inaan ciyaarno anagoo og inaan garaaci karno cid walba.”

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada