Gabar Wariye ah oo Guur laga dalbaday xili ee si Toos ah Telefishan War uga Aqrineysay (Daawo Sawirada Yaabkan dhacay)

Gabar Wariye ah oo Guur laga dalbaday xili ee si Toos ah Telefishan War uga Aqrineysay (Daawo Sawirada Yaabkan dhacay)

Gabadh suxufiyad ah oo ka tirsan telefiishanka la yidhaa Fox 54 oo laga leeyahay dalka Marayka, ayaa iyadoo ku jirta akhriska wararka hordhaca ee ka baxa TV-ga waxa si lama filaan ah istuudiyuhu ugu galay wiil dhallinyaro ah oo aad u jeclaa, kadibna inta uu jilbaheeda u fadhiistay ka codsaday inay guurkiisa qabasho.

Mss. Jillian Pavlica oo toos loo daawanayey baahinteeda, ayaa mar dambe ka war heshay qaylada iyo hadalka istuudiyaha ka baxaysa, dabadeedna waxay isha ku dhufatay lammaanaheedii oo intuu agteeda istaagay leh, 

''Ugu dambayntii waxyaheennu way midoobeen, noloshaydana kama maaranto inaan maalin qudha kaa maqnaado.? Markii uu intaa ku yidhi kadib, ayuu haddana hoos tegay suxufiyadda uu jecel yahay jilbahana hoos dhigay kuna yidhi; ?Ma i guursanaysaa?? 


waxana dhacdadaas xiisaha badan si toos ah u daawanayey kumanaan qof oo ka mid ah daawadayaasha telefishankaas.

Intaa kadib, Miss. Pavlica waxa ugu jawaabtay wiilka jacaylkeedu madax-maray ?Haa? haa..? dabadeedna intay laabta isku qabteen ayuu fargal u geliyey.

Dadweynaha si tooska ah u daawanayey TV-ga, ayaa dhammaantood muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin heerka xidhiidhka jacayl ee lammaanahaas, waxana dhacdadaas aadka u xiisaha badan laga diyaariyey faallooyin kala duwan iyo sawirrada wiilka iyo gabadha oo kalgacal dartii isu ilmaynaya.







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada