Maxaa Ka Taqaana Tariikhda Faneedka Fanaanada Sahruuja

Maxaa Ka Taqaana Tariikhda Faneedka Fanaanada Sahruuja

Fanaanada Sahruuja Abshir Coon oo ka mid ah Fanaaniinta Fanka ku Cusub kuwa looga jaceyl yahay xilligan ayaa soo qaaday hees ay ku amaanayso Magaalada ay ku dhalatay Fanaanada oo ah Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya.

Fanaanada Sahruuja oo Fanka Ku bilaawday Heesaha Xamariga ama Banaadiriga ayaa isla markii noqotay fanaanad qabsatay Masraxa Banaadiriga ,iyadoo dib u soo xasuusisay dad badan hab masrixiyeedki Fanka Banadiriga Caanka uu ku ahaa.

Fanaanada Sahruuja oo la hadlaysay newsomali.com waxaa ay sheegtay in hilaw ay u qabto Magaaladii ay ku dhalatay darteed heestan u qaaday iyadoo sidoo kale sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto muuqaalka heesta.

Waa Heestii Wanlaweyn eriyadii iyo Laxankii abwaanka Maxamed C/qaadir Codkii Sahruuja Musikadii Abdiwahaab Antar Naaji, waxaa ka mid ah Eriyada heesta

Eriyada Heesta :Aqayaareey waxaa qalbigeeyga ka bixi la wartii daauud buule ee aan ku dabaalan jirey iyo caanihii geel hilibkii waslada ahaa ee carfaayey heestii aan u gu tala galey wanlewey my aqraabo ciyaalka daafeed mar dhaw igul raaxeysta i love wanleweyn mac mac

Magaalada Wanlaweyn 90 KM ayay dhinaca koonfureed ka xigta Caasimadda soomaaliya, waa Magaalo ku caan ah hilibka geela iyo caanaha waxay ku taala bartamaha wadada isku xirta Baydhabo iyo xamar waxay 10km u jirtaa Garoonka Diyaaradaha ee B/Doogle dadka qaarna waxay u yaqaanan Daafeed.


  Halkaan Ka Daawo Fanaanada Sahruuja Heesta wanleweyn


 
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada