Isbaaro qaab cusub loo dhiganayo oo soo shaac baxday iyo Shacabka oo walaac ka muujiyay.

Isbaaro qaab cusub loo dhiganayo oo soo shaac baxday iyo Shacabka oo walaac ka muujiyay.

Xubna kamid ah meleteriga Soomaaliya oo ku sugan qeybo kamid ah degmada Deyniille ayaa waxa ay qabteen nin lagu magacaabo Seydhe karbooni iyaga oo kadibna baaritaan kula dhaqaaqay kana waayay wax lacag ah oo uu watay si ay wax daqli ah uga helaanna lugaha iyo gacmaha ka xiray garaacisna ku bilaabay.

Seydhe ayaa waqti kooban markii lagaracay waxaa laga qafiifiyay ushii iyada oo loo sheegay in ay jirto cid uu garanayo oo uu taleefoonka kala hadlo si ay lacag uga dhiibo, iyada oo loogu goodiyay hadii uu waaya cid lacagta ka dhiibtana in uu si xirnanayo lana sii garaacayo.

Waxa uu sheegay Seydhe in uu garanayo nin lagu magacabo Cabdi Barre oo ay ehel ahaayeen kaas oo taleefoonkiisii laga wacay kadibna lagu war geliyay in uu xiranyahay ninkani lana garaacayo hasa yeeshee lacag hadii laga dhiibo lasii deynayo, hadii laga waayana habeenkaasi oo dhan garaacitaan lagu wedayo.

Cali Bare ayaa lacagtii laga dalbay si hal haleel ah ku bixiyay si uu u bad baadiyo ruuxii kaxirnaa ee lana jir dilayay iyada oo kadibna Seydhe xornimadisii uu dib u helay.

Isbaaradaan layaabka leh oo dadkii maqlay qaarkood ay ku sheegeen afduub gaabad ah ayaa waxaa aad uga xumaaday bulshada oo meelaha qaar kamid ah marka ay aadayaan wixii markaasi ay kacabsanayaan in laga qaato xaafadaha uga tagan jiray.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada