Umada Soomaaliyeed Meel kasta ee Dunida ka joogaan waa in labo arimood Mid doortaan !

Umada Soomaaliyeed Meel kasta ee Dunida ka joogaan waa in labo arimood Mid doortaan !

Waxaan maanta halkan idinkugu soo gudbinayaa maqaal kooban oo aan kaga hadli doono marxaladda ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed Anigoo doorimaadsiinayo in laba arimood mid doortaan: Dowladnimo iyo Gumeysi toos ah not mid dadban.

Walaalayaal Umad kasta oo dunidan ku nool oo aan mushkiladi haysan ma jirto haba kala duwanaate mushkiladdaasi laakin ugu danbey waxa ay u helaan xal, laakiin hadaan nahay Soomaali waxa aan noqonay dadka ugu qaabka daran dunida oo aan aqoon sida ay u xaliyaan dhibaatadooda, haday isku dayaan in ay xaliyaanna u maro qoriga caaraddiisa,bal fiiriya waxa maanta ka socda Soomaliya ka soo bilaaw Waqooyi ilaa Koonfur,hadiiba wax la isku qabto qolo kasta waxa ay ku qanacsan tahay in lagu wadahadlo qoriga caaraddiisa qasaare kastaaba haka dhasho.

Saan soo sheegay ma jirto Umad aan dhibaato dhexoolin Dunidan guudkeeda,waxa ayna u maraan xal u helidda dhibaatadooda hadba wadada ugu sahlan oo ay wax ku xalin karaan,ma is weydiiseen imisaa wadan ayaa burburtay Soomaliya ka dib bal fiiriya wadamadan:Liberia,Sierra Leon,Congo,Ivory Coast,Itoobiya,Libiya iyo Ciraaq iyo kuwa kale oo badan,Laakin Anagu waxaan noqonay ma gudbayaal meeshoodii fadhiya {failed Nation and failed People} 22 sano dadka dhiigoodu daadanayo dhaliyaradoodii ay ku dhimanayaan meel kasta haday ahaan lahayd Bad ama Berri, caruurtoodii gaajo iyo cuduro dilayaan maalin kasta, gabdhohoodii sharafta lahaa ay meel kasta ku dacdareysan yihiin oo hadana war heshiiya laga la'yahay oo wixii khilaaf ah oo jira inta la isu tanaasula Umadda hala badbaadiyo oo hadana diidan kaaga darane waliba ku doodayo waxaan nahay dad Muslim oo walaalo ah!!.

Waan ognahay in dulmi badan dhacay waan ognahay in cadaalo daro badan dhacday waan ognahay in dad badan si xaq daro ah loo dilay,waxa ay ahayd iyadoo waxaasi oo dhan dhaceen in hadana laga heshiiyo si aysan u dhicin wixii laga cabanaayey wax ka daran sida hadaba dhacday,waxaan maqlay in waagii C/laahi Yuusuf la dooranayey in kuwa ku heeseen" waxa aan diidaneyn waxaa ka daran waxa aan dooranay".

Labaatan iyo labo sano ka dib waxaad moodaa inaan dib ugu noqoney godkii aan ka soo baxnay maxaa yeelay waxaa waayadan dib u soo noqday xasaasiyaddii qabiilka iyo hurinta colaado sokeeyo iyo in qabiil walba dabada la galo Itoobiya iyo Kenya oo xitaa hadii Dowladdii ka baxday Kumeelgaarkii aad arkeyso in wali Addis Ababo iyo Nairobi laga shidaal qaadanayo oo Dowladiiyoo taagan in Kenya iyo Itoobiya loo kala dhuumanayo,Bal fiiriya Maamulka Somaliland Muqdisho iyo Addis waxa ay ku kalsoon yihiin Addis.Puntland,Galmudug,Ahlusunna,Hiiraan,Bay iyo Bakool iyo Gedo kuligood labo alifle Itoobiyaan ayaa xukuma si toos ama si dadban halka Jubooyinkana uu xukumo labo alifle sanbuur ah.

Gaba gabadii waxaa noo furan hadaan nahay Soomaali labo arimood inaan mid doorano sidan laguma jiri karo 20 sanoo danbe,waxa ayna kala yihiin labada arimood Dowladnimo iyo Gumeysi toos ah,hadaan doorano Gumeysi aan Caalamka u sheegno in aan diyaan u nahay in nala gumeysto Itoobiya iyo Kenyana hanaloo qeybiyo sidaasna haku soo dhamaato taariikhdeena.

Laakin hadaan doorano Dowladnimo iyo sharaf waxa aan u baahan nahay isbadal deg deg ah iyo dib-uheshiin camimta guud ahaan wadanka iyadoo la wada xoojinayo dowladda hadda jirta maadaama ay tahay Dowlad ay wada dhiseen dhamaan qabaa'ilada Soomalida si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.waan ku celinayaa mar kale waa in la helaa isbadal deg deg oo dhinac kasta ah muddo gaaban gudaheed haday ahaan lahayd xagga siyaasadda iyo xagga aminigaba waa hadii la doorto dowladnimo iyo Sharaf.

Talooyin ku socda Dowladda:

Waxa aan u soo jeedinayaa Dowladda in ay ka faa'iideysato fursadaha ay haysato lana timaadaa dhaqankii dowladi lagu yaqaanay,dib u habayn deg deg ahna ku sameysaa dhamaan Hay'adaha Dowladda waana in ay iska diidaa faragelinta ay ku hayaan dowladaha Itoobiya iyo Kenya arimaha gudaha ee wadanka si loo ilaaliyo haybadda dowladnimo taasoo hadii la helo keeneysa in dadka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta taageero fiican siiyaan dowladdooda.waxaana dowladda u soo jeedinayaa in ay muhiimad gaar siiso afartan Wasaaradood oo aasaas u ah dowladnimo,iyadoo xoog iyo xeeladba la isugu geynayo sida shaqaalo si fiican u tababaran,xafiisyadii lagu shaqeyn lahaa,qalabkii iyo mushaar joogta ah.

FG.waa in dadka ka shaqeynayo Wasaaradahani noqdaan dad wadaniyiin daacad ah oo diin ahaann u dhisan si loogu aamino sirta wadanka waana ineysan lahayn wax balwad ah haba yaraatee shaarbo dhaadheer warkooda dhaaf.

1-Wasaaradda Arimaha Dibadda
2-Wasaaradda Gaashaandhigaa
3-Wasaaradda Arimaha Gudaha 
4-Wasaaradda Maaliyadda
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada