Barcelona Oo Ka Walwalsan Dhaawacii Jordi Alba Xalay Soo Gaaray.

Barcelona Oo Ka Walwalsan Dhaawacii Jordi Alba Xalay Soo Gaaray.

Barcelona ayaa heshay war aysan ku farxin oo ku aadan dhaawaca Jordi Alba kaasoo sababi kara inuu isbuucyo ka maqnaado garoomada.
Daafaca bidix ayaa dhaawac uu ka soo gaaray bowdada dhamaadkii ciyaartii Spain ay barbaro 1-1 la gashay Finland ee isreebreebka koobka adduunka, waxaana laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado mudd isbuucyo ah.
Alba ayaan weli baaritaano dheeri ah marin si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaciisa, laakiin baaritaankii hore ayaa soo jeedinaya inuu jeex yar ka galay muruqa bowdada midig.
24 jirkaan ayaana seegi doona kulanka muhimka ah ee xulka Spain ay la ciyaari doonto habeenka talaadada xulka France ee isreebreebka koobka adduunka dhaawacan dartiis, waxaana sidoo kale laga yaabaa in lagu qasbo inuu taribuunka ka soo daawado lugta hore ee wareega 8da Champions League ee ay Barcelona qaabili doonto PSG.
Dhaawaca Alba ayaa imaanaya kaliya isbuuc ka dib markii daafaca kale Adriano isna dhaawac lix isbuuc ah la sheegay inuu la maqnaanayo.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada