Galmudug iyo Puntiland oo ku dhaw in ay ka dhex tafato kadib ficillo iyo hadallo kul kulul oo soo baxay maanta.

Galmudug iyo Puntiland oo ku dhaw in ay ka dhex tafato kadib ficillo iyo hadallo kul kulul oo soo baxay maanta.


Maanta ayaa maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxa ay xukun dil ah ku riday laba nin oo midkood kasoo jeedo deeganada maamulka Galmudug arintaasi oo durbadiiba si caro leh ay uga jawaabtay Galmudug.


Ninka kasoo jeeda deegaanada Galmudug ay ka arimiso ee xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa C/risaaq Xuseen Tahliil waxaana inyar kadib markii uu soo baxay in xukunku ku dhacay saxaafada lahadlay Wasiirka Warfaafinta Gal-Mudug Axmed Maxamed Xuseen oo ku sheegay xukunka mid daan daansi ah oo aan loo dul qaadan Karin.

Wasiirka ayaa waxa uu ku hanjabay in hadii dowlada Soomaaliya aysan arinta soo fara gelin oo Puntiland gardarada ay maamulkooda ku wado aan wax laga qaban in arintu ay gaareyso meel aan laga soo celi Karin ayna qaadayaan tilabada ku haboon dhankooda.

C/risaaq Xuseen Tahliil waxaa laga qabtay sanadkii hore magaalada Gaalkacyo iyada oo lagu eedeeyay in uu maleegayay falal argagaxiso oo kadhici lahaa guda Puntiland hasa yeeshee warkaasi waxaa gaashaanka u daruuray eheladiisa oo ku noolaa Koofurta Gaalkacyo kuwaa oo iyana dhankooda afduubtay dad kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo inkasata oo dadaal dher kadib Galmudug ay ku guuleesteen in lasii daayo laheestayaashaasi.

Go’aanka Puntiland, goodinta Galmudug iyo ka gaabinta dowlada Soomaaliya ayaa gil gili karta xasiloonida gooba badan oo ku xeeran Galmugug iyo Puntiland, waxaana arintaani oo dhan imaaneysaa iyada oo labada maamul ee Gaalakcyo waqooyigaa iyo koofruta uga sugan ay waayahaanba isku dhaliilayeen amaan darrida deganadooda.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada