Wargeyska Telegraph ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro qorshe hantiilayaal carbeed ku doonayaan in ay kuz iibsadaan naadiga Arsenal.
Sida wargeysku sheegayo kana soo xiganayo afhayeen u hadlay ragaas ganacsatada carbeed ayaa tilmaamay in ay diyaar la yihiin bixinta lacag dhan 1.5 bilyan oo gini balse arintaas ay shardi uga dhigayaan in Arsenal xilli ciyaareedkaan u soo baxaan Champions League.
Waxaa la filayaa in lacagtaan ay ku qancaan mulkiilayaasha kooxda Arsenal, iyadoo tani ay Arsenal ka dhigeyso koox dhanka qarash bixinta la tartami karta kooxaha City, Chelsea iyo Man United .
Waxaa muuqaneysa in shardiga hantiilayaasha carbeed ee ah In Arsenal u soo baxaan Champions League aheyn arin mustaxiil ah maadaama haatan kaliya ay Tottenham ka hooseeyaan 4 dhibic, iyadoo hadii Arsenal u soo bixin Champions League taas micnaheedu aheyn in dalabkaan ka baxayaan balse qiimaha ayaa intaas ka yaraanaya .
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:08 and have

