Hay’adda nabad sugida oo soo bandhigtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab “sawirro”

Hay’adda nabad sugida oo soo bandhigtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab “sawirro”

Hay’adda nabad sugida Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Afar ruux kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal xili ay dagmada Warta Nabada ka wadeen falal amaanka ka dhan ah.

Maleeshiyaadkan ka tirsan kooxda shabaab oo ay maanta soo bandhigtay hay’adda nabad sugida Qaranka ayaa waxaa laga soo qabtay dagmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Maxamed Daahir Maxamuud oo ka mid ah dhalinyaradii ay maanta soo bandhigtay hay’adda nabad sugida oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xiligi ay gacanta ku soo dhigayeen ciidamada uu tuurayay Bamgacmeed.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in uu in muddo la soo shaqeynayay maleeshiyada kooxda shabaab uuna u qaabilsanaa Bamba Tuurista.

Dhalinyarada kale la soo bandhiga ayaa sidoo kale tilmaamay in ay kooxda shabaab u qaabilsanayeen aasida miinooyinka si ay ugu dhibateyaan dadka shacabka ah.





 
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada