Hogaamiye sare oo katirsanaa Urur Weynaha Al-Qaacida oo la Dilay iyo Madaxweyne xaqiijiyay Geeridiisa

Hogaamiye sare oo katirsanaa Urur Weynaha Al-Qaacida oo la Dilay iyo Madaxweyne xaqiijiyay Geeridiisa


Madaxweynaha dalka Chad oo ciidamo ay ka joogaan dalka Mali ayaa sheegay in Sarkaal sare oo ka tirsan Alqaacida a lagu dilay waqoodiga dalka Mali.

Idiris Deby madaxweynaha dalka Chad ayaa sheegay in sarkaalkaani oo lagu magacaabo Cabdul Xamiid Abuu Zayid aay dileen ciidamada amaanka dalkaasi ,intii uu socday isku dhacyo ka dhacay gobolka.

Madaxweyne Idiris ayaa sidoo kale sheegay inuu noqonayo sarkaalkaani midkii labaad oo ka tirsan Alqaciida kana mid ah kooxda maqrib,ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada ajaabiibta ee ku sugan dalkaasi.

Hogaamiyahaan la dilay oo u dhashay dalka Algeria ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu horay u dilay sanadkii 2009 labo muwaadin oo u kala dhashalay Ingiriiska iyo Faransiiska.

Edwin Dyer oo u dhashay Ingiriiska iyo Michel Germaneau oo u dhashay dalka Faransa ayaa la aaminsan yahay inuu dileen koox uu hogaaminayay sarkaalka dowlada Chad ay shegteen inay dileen.

Wariye ka faalooda arimaha galbeedka Africa kana tirsan BBC Thomas Tessy ayaa sheegay haddii geerida sarkaalkaan ay rumowdo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo ifbixi doonaan su’aalo la xiriira muwaadiniin badan oo Faransiis ah kuwaasi oo la aaminsan yahay in xabsi ay ugu jiraan Abuu Zayid.

Markii ciidamada isgarabsanaya ee Faransa iyo Chad ay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi waxaa sii kordhayay weerarada kooxaha islaamiyiinta ay ku qaadayeen fariisimaha ciidamada ajaaniibta todobaadyadii lasoo dhaafay.

Taleefishin ku yaala dalka Algeria oo lagu magacaabo Ennahar TV ayaa horaantii todobaadkaan baahiyay warar sheegaya in Abuu Zayid uu kamid ahaa 40 mintidiin ah oo lagu dilay meel ku dhow Xuduuda Algeria.

“Ciidamada Chad ayaa dilay labo hogaamiyaal Jihaadayaal ah oo uu ku jiro Abuu Zayid”sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dalka Chad Idiris,isagoo aan bixin faahfaahin kale.

Warbaahinta Algeria ayaa baahisayay in ciidamada Amaanka ee dalkaasi ay sheegeen in dhiiga DNA ay ka qaadayaan labo ka mid ah qaraabada Abuu Zayid si loo xaqiijiyo geeridiisa.

Sarkaal ka tirsan Maraykanka ayaa sheegay inay heleen wararka ku aadan geerida sarkaalkaan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada