Wax Badan Ka Ogoow Kulanka Real Madrid Vs Barcelona

Wax Badan Ka Ogoow Kulanka Real Madrid Vs Barcelona

Estadio Santiago Bernabéu waxaa Caawa 6:00 Maqrinimo ka dhacaya kulanka Clasico ee u dhaxeeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona walow laba dhinac ay sheegayaan Ineysan Muhiimadooda Siineynin kulankan.
Real Madrid oo Todobaadkan la ciyaareysa Man United ayaa wax ka badalaysa Qaar kamid ah ciyaaryahanada U safanaya Maadaama Uefa Champions league awoodeeda ay isugu geynaysa Ileyn La Liga hami kama hayo.
Marcelo, Luka Modric, Kaka iyo Karim Benzema ayaa Safan doona Dhamaan Kulanka Clasico maxaa yeelay waxaa ay seegeen Ciyaartii Semi Finalka ee Real Madrid 3-1 ay ku dhufatay Barcelona Talaadadii.
Daafaca Sergio Ramos ayaa kasoo laabanaya Hal kulan oo ganaax ah laakiin Angel Di Maria oo Barcelona guuldarada soo gaartay u wacnaa ayaa u seegaya Kaarkii roosaha uu qaatay ciyaartii Deportivo La Coruna.
Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa la filayaa inuu hadana Markale ku soo bilowdo Line Up-ka Barcelona kadib markii uu seegay arbacadii tababarka kooxda oo shaki la geliyay.
Ninkan Gaaban ee Messi waa Ciyaartoy Daalay waxaana uu u baahanyahay Nasasiino badan Sida Barcelona ay ka dhawaajisay.
Ogow
Real Madrid ayaa badisay 10 kamid ah 11-kii ciyaar ee ugu dambeeyay ee gurigeeda ay ku ciyaarto Kulumada La Liga,waxaana ay guuldaro la’aan tahay 24 ciyaar ee ugu dambeeyay.
Los Blancos’ ayaa 3-1 ugu soo badisay Barcelona Talaadadii,waxaana ay aheyd guushii ugu weyney ee Camp Nou ay ku gaarto Tan iyo guushii 1963-dii 5-1 ay kusoo adkaatay.
Madrid ayaa dhalisay 101 gool 42 Ciyaar oo Tartamada oo dhan ah xagaagan,2 ama 4 ayey ku badinaysay kulan walba.
Barcelona ayaa badisay kaliya Sadax kamid ah Todobadii ciyaar ee ugu dambeeyay Tartamada oo dhan,Sadax guul ayey gaartay,labo bar bardhac halka Labana laga badiyay.
Blaugrana ayaa hal guul meel ku calaamadeysatay 7 -dii ciyaar ee ay wajahdo Real Madrid, hal guul iyadaa heshay,sadax bar baro sadex kalana Real Madrid ayaa garaacday Barcelona.
Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay La Liga 15 ciyaar oo isku xigta.
Daafaca Brazil ee Adriano ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro halka Alex Song dhaawac dhanka Jilibka laga yaabo inuu u seego.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada