Madaxweynaha Jabuuti oo difaacay natiijadii doorashada baarlamaanka, kadib khilaaf ka dhashay

Madaxweynaha Jabuuti oo difaacay natiijadii doorashada baarlamaanka, kadib khilaaf ka dhashay

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa difaacay natiijadii doorashada Baarlamaanka Jabuuti ee todobaadkii hore ka dhacday dalkaas, kadib markii mucaaradka isbaheysiga ay qaadaceen natiijada iyo kuraasta badankeed oo ay haleen Xisbiga talada haya ee UMP.
Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Jabuuti Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in doorashada ay si cadaalad u dhacday, isagoo beeniyay eedeymaha ka yimid Mucaaradka ee ah in lagu shubtay.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday hab cusub oo aan horay u jirin, isagoo tilmaamay inay joogeen goob joogayaal caalami ah oo kormeerayay doorashada, isla markaana natiijada si sax loo soo bandhigay.
Waxaa uu sheegay Labada Isbaheysi ee mucaaradka ay heleen 10-kursi oo ka mid ah 65-kursi uu ka kooban yahay baarlamaanka, waxaana uu xusay in aanay waxba ka qabin hadii dowladdiisa ka qeyb qaataan mucaaradka, hadii ay la yimaadaan niyad wanaag.
“Doorasho baarlamaan aheyd, hab cusub oo awal jirin ayay u dhacday, oo ah in natiijada dadka kudladaha meesha soo dhigtay 110 wixii ka badan helay, sidee u kala badan yihiin kuraasta u helaan, dariiqadaas u heleen, 42-goob joogayaal aduunka ka yimid baa ka qeyb galay, natiijadana waa la soo bandhigay”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mar wax laga weydiiyay dadka loo xiray rabshadaha ka dhashay natiijada doorashada ee ay sameeyeen Isbaheysiga Mucaaradka ayuu tilmaamay inay wadeen waxyaabo qal qal ku ah ammaanka, waxaana Madaxweynuhu tilmaamay in dadla la xiray ay ahaayeen 42-ruux.
“Dadka oo dhan inta la haayo berri maxkamad la geynayaan, dadka xiran waa ilaa afartameeyo, arrinta ay sameeyeen waa dhibaatooyin ay geysteen, war siyaasiyiinta shaqooyinka u daaya, waa in laga qabto mujtamaca nabada doonaya, gawaaridiisa laga jejebinaya waa in la dhowra”ayuu yiri.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Ciidamada ammaanka inay xir xireen dad ay ku jireen saddex sheekh oo caan ah, kadib markii lagu eedeeyay inay wadeen qalalaaso dhinaca ammaanka ah, waxaana maalmahan gobolada Jabuuti ka jiray isku dhacyo u dhaxeeyay dadweyne taageersan Isbaheysiga Mucaaradka iyo Ciidamada Ammaanka

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada