Shacabka Soomaaliyeed oo Niyad jabkii ugu Xumaa ka muujiyay Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dollarkii oo Hoos Udhac kuyimid. maxaa keenay?.

Shacabka Soomaaliyeed oo Niyad jabkii ugu Xumaa ka muujiyay Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dollarkii oo Hoos Udhac kuyimid. maxaa keenay?.

Shacabka Soomaaliyeed oo mudo u han weynaa Dowlada aan KMG aheyn oo la jaan qaada Dowladaha kale ee dunida ka dhisan si shacabku u helaan Nabad iyo nolol aad u wanaagsan ayaa hada waxaa soo wajahay Niyad jab ee ka qabaan Dowlada uu Hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ee ku guuleesatay wax ka qabashada waxyabao badan ee ugu horeeso dhinaca amanka iyo dhinacyo kale balse waxa ee ku guul dareesatay in ee ku shaqeeso rabitaanka Shacabka .

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka ayaa niyad jabka ee Dowlada hada ka muujiyeen waxa ee sabab uga dhigeen in eesan Dowlada ilaa hada waxba ka qaban isbadalka sarifka oo hada maraya meeshii ugu hooseesay iyadoona aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid sicirka cuntooyinka iyo alaabaha kale.

Saakay Magaalada Muqdisho waxaa halkii Dollar lagu sarifayaa 15- ilaa 16-Shling Soomaali ah halka maalmo kahor uu ahaa halkii Dollar 22-kun kaaga daran majiraan wax hoos u dhac ama isbadal ah oo ku yimid cuntooyinka quutul daruuriga .

Dowlada ayaana mar sii horeesay oo bilowday Hoos u dhacan Warbaahintana ee aad usoo bandhigeen waxa ee sheegeen Masuuliyiin katirsan in ee wax ka qabanayan xalna keemayaa taa oo noqotay af cid ah oo ah dhawaqa maqashii waxna ha u qaban.

Sariflayaasha oo qeyb ka ah Isbaarooyinka Magaalada yaala sida ee doonaana wax u maamula waxa ee ku macneenayaan qiima dhaca Dollar in ee sabab u tahay Dollarka oo magaalada kusoo badanaya iyo Shling Soomaaliga oo sii yaraanaya taa oo keentay in nolosha culees ku noqoto dad badan oo dan yar ah.

Qoyska Markii hore 100-Dollar biilan jiray hada kuma filna 200-Dollar maadama uu qiimaha Dollar lagu sarifo dhulka sii galayo iyadoona tusaale loo soo qaadan karo haafka Bariiska Maqaayadaha markii hore looga cuni jiray uu ahaa 15-kun Shiling Soomaali ah uu ilaa hada meeshiisa taagan yahay taasina ee kuu muujineyso in wax hoos u dhac dhanka maciishada ah aysan jirin halka sarifka Dollar uu hoos usii socdo.

Madaxda ugu sareysa Dowlada iyagu maba dareensana waxa hada ka jira Dalka iyo Hoos u dhacan dadku ka wada cabaadayaan maadama eesan ka maqneyn wax lacag ah wax walibana ee heestaan xisaab la’aana ku cunaan taasina ee ku ilaaweyn in ee wax ka qabtaan mida dadka masaakiinta ah heesata .

Dowlada waxa ee horey u sheegtay in Lacago cusub dalka loo soo sameyn doono taasina waa hal ku dhigyadii looga bartay Dowladihii KMG ahaa ee tan ka horeeyay oo dhoor mar sheegay in lacag Sudan lagu soo sameenayo.

Shacabka ayaa sidoo kale ka niyad jabsan muujinta dhibka heesta iyaga oo kuu sheegaya in aan dhagba jalaq loo siineyn Dowladana ee kasi jeedo sidii ee u xakameyn laheyd lacagaha Dollarka ee hoos u dhaca balaaran ku yimid halka Raashinka iyo alaabha kale halkoodii wali joogaan taa oo kaliftay in qoysas badan oo maalintii labo mar wax cuni jiray hada hal mar dabkooda la shido.

Dadka Qaarkood ayaa ku tilmaamaya Dowladan Cusub in ee tahay mid lamid ah Tii uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabdi Qaasin Salaad Xasan oo markii lasoo doortay sicir barakii ugu xumaa uu dalka ka dhacay taa oo xitaa keentay in meesha ee ka baxaan lacago horey loo isticmaali jiray sida Shanta Boqol lacagtana kusoo koobmatay Kun aa u yar kun aa u weyn
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada