Samir Nasri Oo Ku Sii Jeeda Kooxda PSG Ee Dalka Faransiiska

Samir Nasri Oo Ku Sii Jeeda Kooxda PSG Ee Dalka Faransiiska

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal bartilmaameedna u ahaa kooxda France ee Paris Saint-Germain Samir Nasri ayaa go’aan ku gaaray inuu katago Kooxda Sheekh Mansour ee city.
Ilo Lagu kalsoonyahay oo laga helayo Magaalada Manchester ayaa kuwaramayo Nasri iney tahay wax ka go’an sanadka soo socda inuu faarujiyo booskiisa kooxda difaacanaysa Premier league Sida uu soo warinayo Wargayska Sportsmail.
Taas ayaa u wacan Sida Warbixinta loo dhigay Isku dhac dhexmaray Samir Nasri iyo Macalinka Taliyaaniga ee Mancini waxaana xumaaday Xiriirkii ka dhaxeeyay.
Nasri ayaa la fajacay kana carooday go’aanka Tabarahiisa ku gareystay inuu Isaga ku cambaareeyo Mujtamaca oo dhan dhexdooda Todobaadkii hore markaas oo Mancini uu Weeraray qaab Ciyaareedka Nasri.
Xanaaqa Samir ayaa waxaa ay farxad gelinaysaa Agaasimaha kooxda PSG Leonardo oo raba in Xidiga reer Franca markale uu dib ugu soo celiyo France iyagoo qandaraas Fiicana farta kasaarayo.
Nasri ayaa sanadkii 2011 waxaa uu kasoo tagay kooxda Arsenal kuna biiray City.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada